Om ossStartAffärsstödPublikationerÅsnebynKalendariumMedlem/GillenLediga tjänster
Grön integration - somaliska


Grön integration - Isdhexgalka cagaaran

 

Muraadka laga leeyahay isdhexgalka cagaaran waxuu yahay in baadiyaha Iswidhan uu helo qeyb ka mid ah aqoonta , khibradaha iyo xiisaha dadka wadanka dibadiisa ku dhashay.

 

Hadaba si aan u gaarno muraadkaas waxaa waajib ku ah dhamaan kuwa ka shaqeeya isdhexgalka iyo kuwo fara badan ee qeybaha khaaska ah iyo kuwa dawliga ahba in ay

u yeeshaan aqoon siyaado ah baadiyaha. Wax soosaarka ganacsiga iyo warashadaha baadiyaha ayaa sidoo kale lama huraan ay tahay in ay u yeeshaan aqoon siyaado ah

aqoonta iyo khibrada ay la yimaadeen dadka wadanka dibadiisa ku dhashay Iswiidhan-cilmigaas iyo khibradahaas oo caawin kara hormarinta baadiyaha.

 

Jumciyada beeraha ee magaceeda la yiraahdo Hushållningssällskapet waxay rabtaa inay u samayso fursadaas dad badan oo ku dhashay wadanka dibadiisa si ay oga  shaqeystaan ama oga sameystaan  shirkado baadiyaha. Baadiyihu waxuu u soo bandhigi karaa dadka wadanka dibadiisa ku dhashay fursado badan oo cusub oo aan laga heleen magaaladda. Kuwa badan oo dadka wadanka dibadiisa ka yimid ah ayaa la yimi aqoon ku saabsan sida wax loo beero, xanaanada xoolaha ama wanaajinta raashinta, aqoontaas oo dalabkeedu magaalada oolin. Sidoo kale waxa jira shaqooyin kale oo badan oo gudaha baadiyaha laga heli karo sida tamarta, garaashyo, rugta daryeelka bukaanka ama dhaqaalaaha. Baadiyaha waxaa yaala nooc walba oo shaqo ah sida magaalada oo kale.

 

Jumciyada beeraha(Hushållningssällskapet) waxay rabtaa in dad badan oo wadanka dibadiisa u dhashay ay fursad u helaan in ay  dagaan oo ku noolaadaan baadiyah. Sidaas darteed ayaan waxaan u sameen karnaa baadiyaha iyo dadka wadanka dibadiisa ku dhashay degaano kala duwan, aqoon kala duwan iyo meherado la aado waqtiyada firaaqada.

 

Waqtiga hada la joogo waxay naga dalbadaan macaamiisheenu wax soo saarka gudaha waxyaalha la xiriira noolaha  iyo beeraha in ka badan marka loo eego badeecada taala  meelaha soo saarka.Tusaale aahaan waxaa jirta fursad wayn oo lagu hormarin karo ganacsiga shirkadleyda beerha la abuuro, naylaha,laxaha iyo riyaha ama tiro yar oo ah wanaajinta raashinka. Sidoo kale waxaa la xiiseenaya indhaha cusub ee arkaya fursadaha cusub ee baadiyaha Iswidhan. Indhaha cusub waxay abuurayaan fursado ganacsi ee cusub, badeecad cusub iyo adeegyo cusub.

 

Baadiyuhu waxuu u taaganyahay isdhaafitaanka jiilasha. Iyada oo la ilaalinayao khibradaha iyo aqoonta ay leeyihiin dadka wadanka dibadiisa ku dhashay ayaa   waxaa la awooda in jiilasha laga badali karo handadaad ay ku suganyihiin  oo loo badali karo fursado in ay helaan.

 

Kaalinta jumciyada beeraha(Hushållningssällskapet) waxay tahay in ay abuurto meelo lagu kulmo kuwaas oo hormarinaya xiriirka u dhexeeya magaalda iyo baadiyaha- iyo kan u dhaxeeya dadka wadanka dibadiisa ku dhashay iyo soosaarka ganacsiga iyo warshadaha baadiyaha. Anagu waxaan rabnaa in aan isku haboonaysiino khayraadka baadiyaha kaas oo  fursado hodan ku ah iyo aqoonta , khibradaha iyo xiisaha dadka wadanka dibadiisa ku dhashay.

Jumciyada beeraha(Hushållningssällskapet) sdioo kale waxay caawin kartaa awood xirfadeedka si ay u fududaato isku habooneysiinta baadiyaha iyo dadka wadanka dibadiisa ku dhashay. Iyada oo la adeegsanayo isdhexgalka cagaaran ayaa waxaan rabnaa in aan abuurno fursado badan oo kala duwan , hormarinta baadiyaha iyo baadiye caalami ah.

 

Jumciyada beeraha waxay gacan ka gaysatay  hormarinta baadiyaha iyada oo adeegsanaysa hormarinta  iyo xiriirinta aqoonta faa’iidada u leh  dhaq-dhaqaaqa ganacsiga baadiyaha.

 

Taariikh ahaan jumciyada beeraha(Hushållningssällskapet) kaalintaas ay ka ciyaartay waxaa u dheer inay bilowdey ka shaqeynta  u badalida hamiga(hammka ) fikrado cusub oo faa’iido u leh baadiyaha. Meesha arinta laga bilaabayo ayay jumciyada beeraha(Hushållningssällskapet) u argataa midka ah kaalinteeda in ay ilaaliso aqoonta dadka wadanka dibadiisa ku dhashay sidaan oo kale ayayna qeyb ka mid aqoont dadka wadanka dibadiisa ku dhashay  ku gaari kartaa soo saarka baadiyaha.

 

 

 

Översättning\waxaa tarjumay

Ali Abdulaziz, praktikant vid Hushållningssällskapet Väst